U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Hey’adda Somda oo Qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Arrimaha Gargaar ah Ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna iskuduwaha gargaarka bini’aadannimada George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka dhabeynta mudnaanta Dowladda ee ah ka hortagga leexsashada gargaarka, horumarinta qaab-dhismeedka isla xisaabtanka, doorka dawladdu ku leedahay fulinta iyo la socodka qorshaha ka jawaabista, sida canshuur dhaafku muhiim ugu yahay deeqaha bani’aadannimo iyo caddeynta waajibaadka adeeg bixiyayaasha dalka.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallim ayaa uga mahadceliyay ku xigeenka Ergeyga iyo guud ahaan hoggaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sida ay uga go’antahay taageerada howlaha bani’aadannimo ee dalkeenna.