U bood dhigaalka

Suuqyada Casriga ah oo Muqdisho Kusoo Badanaya iyo LC WAIKIKI oo La Daahfuray

Sheeko:Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyey maalgashiga ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameynayaan dalkooda, isaga oo xarigga ka jaray suuqa caalamiga ah ee LC WAIKIKI, kaas oo laga hirgeliyey Muqdisho.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in kobaca ganacsiga caasimadda uu aas-aas u yahay xasilloonida amni ee ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, taas oo ku dhiirri-gelinaysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay aaminaan maalgashiga dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka soo dukaameystay suuqan casriga ah, ayaa ammaanay ganacsatada ka hirgelisay suuqan caasimadda, taas oo muujinaysa in ganacsiyada caalamiga ah ay dib ugu soo laabanayaan dalka.