U bood dhigaalka

Hey’adaha Amniga oo Gacanta Ku Dhigay Eedeysanayaal Dilal Ka Geystay Muqdisho

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Hay’addaha Amaanka ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen  eedeysanayaal tiradoodu gaareyso 5 qof, kuwaas oo loo heysto inay dil u geysteen 4 muwaadin, dilalkaas ayaa ka kala dhacay degmooyinka kala duwan ee ka tirsan Gobolka Banaadir sida la xaqiijiyay.

Afarta eedeysane ee gacanta lagu dhigay dembiyada dilka ahna loo heysto ayaa kala ah:

1: Eedeysane D/le XDS Daa’uud Bashiir Colow oo loo heysto dilka Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Dharkeynley.

2: Eedeysane A/le XDS Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo

Eedeysane C/qaadir Maxamed Xasan oo dhaawac ah, labadaan eedeysane ayaa loo heystaa dil ay u geysteen Marxuum Aweys Xuseen Jeylani, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Xamarjajab.

3: Eedeysane Maxamed Cabdi Maxamed waxaa loo heystaa dilka Cabdullaahi Abuuukar Yuusuf, wuxuuna dilkaasi ka dhacay Dagmada Deyniile.

4: Eedeysane D/le Yuusuf Cali Macoow waxaa loo heystaa dilka Marxuum Maxamed Axmed Nuur, dilkaaas ayaa ka dhacay Dagmada Hiliwaa.

Booliska ayaa sheegay in dhammaan eedeysanayaasha dilalkaan geystay oo gacanta lagu hayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo geyn doono maxkamada awooda u leh inay qaado kiiskooda.

“Waxaa laga codsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Muqdisho iyo hareeraheeda in ay lasoo wadaagaan Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hadii ay la kulmaan falal ammaanka lidi ku ah, waxaadna kala xiriiri kartaan 991,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Laamaha ammaanka ayaa muddooyinkii dambe ku dadaalayay sidii loo qaban lahaa dambiilayaasha isku dayaya in ay cadaaladda ay ka baxsadaan, kuwaas oo inta badan dilal kale duwan ka geysta caasimadda, eedeysanayaashaan ayaa ah dhammaantood ka tirsanaa ciidanka dowladda federalka Soomaaliyeed.