U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlay Xoojinta Amniga Guud Ee Caasimadda oo Muqdisho Ka Qabsoomay

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa shir gudoominayay shirka amniga Caasimada maalmaha ciida ee nagu soo foodleh, Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta ammaanka caasimadda maalmahaasi.

Shirka amniga caasimada iyo nawaaxigeeda waxaa Goob joog ahaa Taliye xigeenka Koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S.Guuto Cusmaan C/lahi Maxamed (Kaniif) Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa Banaan Taliyaasha qeybyada ciidamada Boliiska iyo Taliyaasha Qeybyada NISA,

Waxaa Mudooyinkii Dambe Socday Qorshaha Xasilinta amniga Caasimada oo Mudooyinkii dambe Soohagagayay kadib dadaalo badan oo ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee ka Howlagala Caasimada Dalka.