U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay oo Kulan Deg deg Ka Yeelanaya Weerarka Lagu Qaaday Israel

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa manta oo Axad ah kulan deg deg ah waxaa ay ka yeelan doonaan xaaladda kasoo korortay gobolka Bariga dhexe, kadib weerarkii seqdhexe xalay Iran ku qaaday gudaha Israel, labada dhinac ayaa weerarka ka hor hanjabaadyo hawada isku mariyay maalmihii tagay.

Fadhigaan uu iclaamiyay Xoghayaha guud ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladaha Mareykanka, Ingriiska iyo Faransiiska, iyagoo doonaya in iran lagu cadaadiyo joojinta weerarrada ay u adeegsanayso Drones-ka, kuwaas aan duuliyaha laheyn, gantaallada ayaa ku dhacay qeybo kamid ah Israel xilli cabsi badan ay jirto.

Israaiil ayaa warqad cabasho ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay horay uga diiday soo jeedintii la xiriirtay joojinta dagaalka ay ku xasuuqday Shacabka Dulman ee Falastiin balse markaan dantu ku qasbaysa in ay u calaacasho Qaramada Midoobay xilli dunidu sheekadu ku rogmatay.

Israel ayaa Iran ku tilmaamtay in ay halis wayn ku tahay jiritaankeeda sidaas awgeed loo baahan yahay in Golahaan uu fadhi degdeg ah ka yeesho waana tan keentay warqadeeda la aqbalo, Mareykanka iyo kuwa xulufada la aha ayaa hadda siweyn u garab taagan hirgelinta kulanka manta ee golaha uu yeelanayo.

Shirkaan golaha ammaanka ayaa kusoo aadaya xilli Israel laga kariwaayay joojinta dagaalka lix bilood jirka ah ee kasoconaya magaalada Gaza, Iran ayaa dhowr jeer soo saartay digniino ku aadan xaaladaha jira xilli Israel markaan ay wajahayso xaalado adag lamana oga waxyaabaha kasoo bixi doona kulanka la iclaamiyay.