U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarashada oo Belgium Uga Qeybgalay Shir Caalami ah oo Ku Saabsan Hormarinta Tacliinta

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium wxuu uga qaybgalay shirka caalamiga ah ee Global Gateway for Education, shirkaan ayaa looga hadlaa muhiimadda tacliinta.

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Yurub, ayaa looga hadlay iskaashiga waxbarashada ee heer caalami, ahmiyadda waxbarashadu u leedahay kobcinta Iyo horumarinta aadanaha. Wasiirka ayaa dood-wadaag ka qeybgelay intii uu socday shirka isagoo kalmad dad badan soo jiidatayna madasha ka jeediyey.

Waxa uu si kooban uga sheekeeyay dadaalka labadii sanno ee la soo dhaafay ay Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ku bixisay horumarinta waxbarashada, iyadoo miisaaniyadda dakhliga gudaha 9.5% loogu qoondeeyay waxbarashada sannadkan 2024, isagoo sii raaciyay ka go’naanta sare u qaadidda tacliinta.

Wasiirku waxa uu sidoo kale dulmaray qorshaha dawladda ee la xiriira kobcinta tirada macallimiinta ka shaqeeya waxbarashada guud (dowladda), waxa uuna sheegay in kadib markii wajigii koowaad ee xulashada, tababarridda iyo shaqaaleysiinta macallimiintu guul ku dhammaday xilli kuwa kale la qorayo.

dowladda Soomaaliya ay u tabaabusheysaneyso qaadashada 3000 Macallin oo cusub ah toddobaadyada soo socdo. Tiradani waxa ay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda Dan Qaran oo lagu hiigsanayo in la soo gaarsiiyo tirada macallimiinta dugsiyada dadweynaha ka shaqeeya 10,000, oo macalin  Sannadka 2025.

Intii uu shirku socday, wasiirka ayaa kulamo la yeeshay Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub, wasiirrada Horumarinta Belgium iyo Wasiirka Waxbarashada Finland, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha horumarinta bulshada iyo saraakiil midowga Yurub ah.