U bood dhigaalka

Xarunta Dowladda Hoose oo Lagu Qabtay Shir Looga Hadlay Dardargelinta Amniga Caasimadda

Sheeko:Amniga

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa gudoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka iyo wada shaqeynta.

Shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga ee Muqdisho loogu dhageystay Guddoomiyaasha iyo Saraakiisha qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir, waxaana shirkaan uu kusoo aadayaa xilli lagasoo baxay maalmaha ciidul Fidriga oo siweyn laamaha amnigu shaqeeyeen.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.