U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa arrimo ku saabsan siyaasadda iyo ammaanka kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey.

Wasiirka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing.

Kulanka ayaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga dalka, iyo sidii looga wada-shaqayn lahaa wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayso Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dhowaan xilkaa loo magacaabay ayaa laga sugayaa waxqabad wax ku ool u ah siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka.