U bood dhigaalka

Horjooge Katirsan Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Qeybta 21-aad

Horjooge Hanad oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa galabta isku soo dhiibay ciidanka xooga dalka ee ku sugan aagga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka.

Ninkaan ayaa sheegay in muddo ka badan 7 sano uu ka tirsan Alshabaab, balse hadda uu adkeysan waayey nolosha sii xumaaneysa ee ku heysata dagaalyahanada kooxda oo ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ay la dagaalamayaan.

Dagaalayaasha iyo horjoogeyaasha ka tirsan Alshabaab ee isoo dhiibaya ayaa kordhay tan iyo markii uu dib u billow dagaalka xooggan ee ay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanku kula jiraan kooxda.