U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayay Sidii Shaqo Abuur Loogu Sameyn Lahaa Dhallinyarada oo Lagu Qabtay Garowe

Sheeko:Ganacsiga

Magaalada Garoowe gobolka Nugaal, ahna caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu qabtay shir looga hadlayay shaqa abuurka dhallinyarada oo muddo laba maalmood ah halkaa ka socday.

Shirkan oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaaradda dhallinyarada Puntland oo kaashanaya hay’ado caalami ah, ayaa waxaa looga dooday caqabadaha haysta dhallinyarada, iyo sidii xirfadaha da’yarta sare looga qaadi lahaa, islamarkaana shaqo abuur loogu samayn lahaa.

Wasiirro ka tirsan dowlad Goboleedyada Puntland oo shirka ka qeyb-galay ayaa sheegay inay muhiim tahay in caqabadaha dhallinyarada haysta xal loo helo, lana xoojiyo xirfadohooda iyo aqoontooda farsamo.

Sakriye Cabdulle Khaliif oo kamida dhallinta hal-abuurka leh oo hadda beeralay ah, islamarkaana goobta ka hadlay ayaa sheegay inay dalka shaqooyin buuxaan, balse ay dhallinyaradu dhinac marsanyihiin, loona baahanyahay inay fursadaha bannaan ka faa’iidaystaan.

Gebangabadii shirka ayaa lagu soo saaray war murtiyeed ka kooban 7 qodob, waxaana kamida ahaa in sare loo qaado xarumo farsamada gacanta lagu barto, dib u eegista xeerarka la xariira shaqada iyo shaqo abuurka, iyo in lays waafajiyo waxbarashada tooska ah iyo midda farsamada gacanta.

Soomaaliya ayaa kamida dalalka ay shaqa la’aanta badani ka jirto, waxaana sanad walba jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxa kumanaan da’yar ah, balse dalka waxaa buuxa farsado badan oo hal-abuur iyo xirfado u baahan.