U bood dhigaalka

Hey’adda ICRC oo Ka Digtay Xaaladaha Ka Jira Gobolka Tigray iyo Macluusha Baahsan ee Ka Jirta

Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in Xaalad quus ihi ay ka taagantahay gobolka Tigray waqooyiga dalka Itoobiya, waxayna intaa raacisay in loo baahanyahay in la bixiyo dadaal dheeri ah si loo caawiyo dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay colaadaha ka socda Itoobiya.

Sargaal sare oo ka tirsan ICRC, laguna magacaabo Sarah Epprecht-Noetzli oo Agaasime ka ah qeybta Ilaalinta iyo adeegyada muhiimka ah ee ICRC oo ku booqasho ku tagtay gobolka Tigray ee colaaduhu aafeeyeen ayaa sheegtay in xaaladda bini’aadantinimo oo aad u xuni ay halkaa ka jirto.

Sarah ayaa sheegtay in ay booqatay deegaanno ka tirsan gobolka Tigray oo ay aad u saaameeyeen iska hor imaayadii hubeysnaa ee ka dhacay gobolka, waxeyna tiri “ xaaladda ka tagaan halkaan (Tigray) waa qalbi jab, gabi ahaanba wax rajo ah kama muuqato”

Warkan ka soo baxay hay’adda ICRC ayaa ku soo beegmaya xilli ay dagaallo xoogan iyo xaalad jahwareer ihi ka jiraan gudaha dalkaasi Itoobiya, Waxaana ka socda kacdoonno waaweyn oo ay wadaan jabhado hubaysan iyo qowmiyado ka caraysan hab-maamulka Ra’iisulwasaare Abii Axmed.