U bood dhigaalka

Boqolaal Shabaab ah oo isu Soo Dhiibay Dowladda Soomaaliya Kadib Cafiska Madaxda Sare

Tiradii ugu badneyd ee Shabaab ah ayaa isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya kadib cafiska loo fidiyey kooxaha, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda federalka oo warbaahinta lalasoo wadaagay.

Deegaannada Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ahaa goobihii ugu badnaan oo iska soo dhiibeen xubno badan badan oo go’aansaday iney isaga tagaan fikirkooda, waxaana marwalba la arkayay iyagoo aad loogu soo dhoweynayo xeryaha ciidanka si dhaqan celin loogu sameeyo soo bixitaankooda kadib.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya in uu dadkiisa si nabad ah ugu laabto” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaan kasoo baxay dowladda eel ala wadaagay warbaahinta”.

Bayaanka dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay xubnaha ka tirsan kooxda ay si iskumid ah isaga dhiibayeen Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, waxaana socda howlgallo kale duwan oo ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo taageerada saaxiibada caalamiga ah ay siiyaan.

“Toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta” ayaa lasii raaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda dhexe.

Gabagabadii dowladda ayaa bayaankeeda ku sheegtay in ay ka go’an tahay dhameystirka dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kaas oo hadda la filayo in dowladdu markale gulufkiisa ay dib u bilowdo, waxaana ugu horeeya Galmudug iyo Hirshabeelle oo wajiga koowaad ee howlgalka uu wali qabyo ka yahay oo aan la dhameynin.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, Kuwa ka dhaga-adeyga in ay ka faaiidaystaan fursaddaan waxa ay wajihi doonaan Cadaaladda waxa ayna mari doonaan jidkii ay mareen kuwii ka horeeyay ee ku baxay Gacmaha Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda” ayaa lagu yiri gabagabada bayaanka kasoo baxay dowladda eek u wajahan in cafis loo fidinayo cid kasta oo isaga timaada Al-shabaab kuna soo biirta dowladda.

Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa kusoo aadayay iyadoo muddooyinkii dambe daraasiin ka tirsan Shabaab ay iskusoo dhiibeen ciidanka dowladda, waxaana lagu wadaa dhowaan in dowladda ay qaado howlgal baaxad leh oo ay ka qeybqaadanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya dalka Turkiga.