U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Kulan Gaar ah La Qaatay Saraakiil Ka Socota Dalka Masar

Sheeko:Amniga

Taliye Ciidanka Boliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socda dalka Masar, kuwaas oo shalay soogaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Soo dhaweynta Saraakiishan waxaa goobjoog ahaa Taliye ku xigeenada Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo hogaanada ciidanka.

U jeedka Socdaalka wafdigaan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiishan uga mahadceliyaya aqbalaada casuumaadii uu u fidayay, sidoo kalena uga ku amaanay garab istaaga ay u sameeyeen Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa bogaadiyay hormarka ay ku tilaabsadeen ciidan boliiska Soomaaliyeed, iyaga oo xusay in ay ciidanka boliiska Soomaaliyeed ka taageeri doonaan tababara, xirfadaha iyo guud ahaan hormarada ciidanka.