U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Gudaha oo Kormeer Ku Tagay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kormeeray xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, halkaas oo uu kulammo kula qaatay Agaasinka iyo howl-wadeennada Hay’adda.

Kulamadaa is xog wareysiga ah ka dib Wasiirka ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Agaasinka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed in ay dar-dar galiyaan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa kamida laamaha ugu muhiimsan ee dowladda, waxayna u xilsaarantahay hubinta cid kastoo dalka soo galaysa ama ka baxaysa iyo bixinta baasaboorka safarka