U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Gudaha oo Kulan La Qaatay Saraakiil Ka Socota Dalka Masar

Sheeko:Amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Booliska dalka Masar, kuwaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Masaarida taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Amniga Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta iyo tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.