U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Africom Kala Hadlay Dardargelinta Dagalka Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howl-gallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Alshabaab,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono wajiga labaad ee howlgalku.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka.

Mareykanka ayaa taageero militari iyo mid dhaqaaleba siiya dowladda Soomaaliya, wuxuuna tababar iyo qalabayn u sameeyaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee danab.