U bood dhigaalka

Dowladda Mexico oo Dacwad Ka Dhan ah Dalka Ecuador u Gudbisay Maxkamadda ICJ

Dalalka Mexico iyo Ecuador ayaa midba midka kale dacwad ka dhan ah u gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka, ka dib markii uu cirka isku sii shareeray khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeyaahi labadaas dal.

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa lagu wadaa inay dhageysato dacwad ay Mexico u gudbisay oo ka dhan ah dalka Ecuador, taas oo ku saabsan ku xadgudubka sharciga caalamiga ah, waxaana dacwadeeda xudun u ah go’aan muran dhaliyay oo ay Ecuador ku weerartay safaaradda Mexico ee Quito.

5-tii bishan Abriil ayay booliiska Ecuador gudaha u galeen xayndaabka safaaradda Mexico si ay u xiraan Jorge Glas oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi Ecuador oo laba jeer lagu helay dambi musuqmaasuq, kaasoo magan-gelyo ahaan ugu jiray dhismaha safaaradda.

Xariga siyaasigan ayaa yimid saacado uun ka dib markii Mexico ay siisay magangalyo siyaasadeed , waxayna uga digtay Ecuador wax kasta oo faragelin ah oo lagu sameeyo safaaradeeda.

Weerarkii ay booliisku ku qaadeen safaaradda Mexico ayaa dhalisay qeylo dhaan baahsan, iyadoo khubaro badan ay u arkeen inay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, kaasoo safaaradaha ka ilaalinaya faragelinta maxalliga ah.

Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sidoo kale si caro leh uga falceliyay weerarka, isagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax banaanida Mexico. ICJ ayaa miisaami doonta dalabka dalkiisa ee ah in Ecuador laga joojiyo shaqada Qaramada Midoobay (UN).