U bood dhigaalka

Faransiiska oo Taageeray Go’aanka Lagu Soo Xirayo Madaxda Israel ee Maxkamadda ICC

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa lagu muujiyay taageerada ay Paris u hayso maxkamadda dambiyada caalamiga ah, ayadoo aqoonsan madax-bannaanideeda, iyo la dagaalanka isla xisaabtan la’aanta dhammaan kiisaska.

Arrintan ayaa timid kadib markii dacwad oogaha guud ee ICC uu codsaday in la soo xirayo madaxda Israa’iil oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyo wasiirkiisa dagaalku.

Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa bayaankeeda ku dartay in ay uga digtay Israa’iil lama huraan ahaanta u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, gaar ahaan heerka aan la aqbali karin ee waxyeelada rayidka ee marinka Gaza iyo helitaan la’aanta gargaarka bini’aadantinimo”.

Faransiiska ayaa noqanaya dalkii ugu horreeyay reer galbeedka diidmada qaxayan leh oo taageeray amarka lagu soo xiro madaxda Israa’iil.