U bood dhigaalka

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka oo Amar Ku Bixisay in Lasoo Xiro Madaxda Israel

Maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo madaxda sare maamul Israa’iil oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa xagjirka ah.

Maxkamadda ayaa amartay in si degdeg ah loo soo qabto masuuliyiintan si caddaaladda loo horgeeyo, islamarkaana loogula xisaabtamo dembiyada dagaal iyo xasuuqa aan loo meel dating ee ay ku hayaan dadka reer Falastiin.

Sidoo kale xubnaha ugu sarreeya ururka Xamaas ayay ICJ dalbatay in la soo xiro, kuwaasoo ay kamid yihiin yaxye sinwaar, Ismaaciil Haniyeh, iyo Taliyaha guutada qasaam Mohammed Deif oo ayagana ay ku eedaysay inay dhibaatada dadka rayidka ah haysata kaalin ku leeyihiin.
Go’aanka maxkamada waxaa durbadiiba ka horyimid Mareykanka iyo maamulka Israa’iil, asagoo tilmaamay inay ka eexatay, ayadoo yuhuuddu ay sheegeen inaysan u joojin doonin.

Diidmada caynkan ah ayaa muujinaysa inaysan waxa shuruucda caalamiga ah la yiraahdaahi dalalka awoodda leh, gaar ahaan Mareykanka iyo isbahaysigiisa qaban karin ee dunida inteeda kale lagu sandulaysto.