U bood dhigaalka

Mareykanka oo Difaacay Madaxda Israel Kana Horyimid Go’aanka Maxkamadda Dambiyada Dagaalka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ayaa sheegay in Israa’iil iyo Xamaas aan la is barbar dhigi karin ka dib markii maxkamadda ICC ay soo saartay amar la soo xirayo madaxda maamulka Israa’iil iyo hoggaamiyaasha ururka Xamaas.

Biden ayaa yiri “Waxa Gaza ka dhacaya ma aha xasuuq,” sidoo kalena wuxuu si adag uga falceliyay go’aanka maxkamada caalamiga ee ICC ee ku saabsan dembiyada dagaal ee lagu eedeeyay madaxda Israa’iil.

Hadalka Biden ayaa yimid ka dib markii Karim Khan oo ah dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee ICC uu sheegay in uu dalbanayo in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay galeen intii uu socday dagaalkii Gaza.

Si kastaba ha ahaatee waxaa korortay khasaaraha dadka reer Falastiin ka soo gaaraya duqeymaha iyo duullaanka ee kala joogsiga lahayn ee Israa’iil waddo, reer galbeedka oo uu Mareykanka ugu horreeyona waxaa lama taabtaan u ah difaaca Israa’iil.