U bood dhigaalka

Madaxda Itoobiya oo Wajahaysa Eedeymo Ka Dhan ah Xasuuq Ka Dhacay Gobolka Tigray

Warbixinno ku qotoma baaritaanno muddo docday ayaa daboolka ka qaaday inay jiraan cadeymo la taaban karo oo muujinaya in ciidamada Itoobiya ay geysteen falal xasuuq ah intii uu socday dagaalkii Tigray.

warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka New Lines ee fadhigiisu yahay Maraykanka, oo soo xigtay xogo badan oo madax banaan oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaysa in ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda ay geysteen fal dambiyeedyo xasuuqa ah intii lagu jiray dagaalkii dowladda iyo jabhadda TPLF, kaas oo socday intii u dhaxaysay 2020 -2022.

Soo saareyaasha warbixintan ayaa ku baaqay in Itoobiya la horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda adduunka, si loogula xisaabtamo xad-gudubyada ay ka geysatay gobolkaasi Tigray.

Dagaalka ciidanka Itoobiya iyo jabhadda Tigreega ayaa qarxay bishii Noofambar sanadkii 2020, waxaana ku dhintay Kumanaan kun oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayay.

Intii uu socday dagaalku wuxuu Labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay xad-gudubyo ay ka mid yihiin xasuuq, kufsi iyo xarig sharci-darro ah, balse mid walba wuxuu si adag u diidayaa mas’uuliyadda xadgudubyadaas.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ku sheegtay in dambiyada dagaal iyo kuwo ka dhanka ah bini’aadantinimadu ay weli socdaan ku dhawaad ​​sanad ka dib markii ciidamada dowlada iyo kuwa gobolka Tigray ay ku heshiiyeen in la joojiyo dagaalka.

Warbixinta machadka New Lines Institute ayaa hadda sheegaysa in ay jiraan cadaymo ku filan oo muujinaya in Itoobiya ay ku kacday falal ka dhan ah Axdiga caalamiga ah ee xasuuqa oo uu ku jiro beegsiga dadka rayidka ah ee loo geystay dilalka baahsan.

Waxa ay sheegtay in Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), oo ay weheliyaan Ciidanka Difaaca Ereteriya ee isbahaysiga ah (EDF) iyo malleeshiyo-goboleedyo kala duwan ay lahaayeen ujeeddo lagu burburinayo qowmiyadda Tigreega.

Ugu yaraan afar fal oo ka dhigan dambiga xasuuqa ayaa lagu xusay warbixinta oo kuwaas oo isugu jira dilka, dhibaato jireed ama maskaxeed oo halis ah, iyo soo rogidda tillaabooyin loogu talagalay in lagaga hortago dhalashada carruurta Tigrayga.

Warbixin ayaa ku soo beegmaysa xilli ay inta badan gobollada dalka Itoobiya dagaallo ka holcayaan, Abii Axmed oo horraantii xukunkiisa billadda nabadda la guddoonsiiyayna uu hadda u muuqdo inuu u xuub siibtay dagaal ooge ma naxe ah.