U bood dhigaalka

Ardayda Jaamacadaha Mareykanka oo Wada Todobaadkii 2-aad ee Dibadbaxyada Lagu Taageerayo Falastiin

Sheeko:Waxbarashada

Dibadbaxyo looga soo horjeedo dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa kasii socday jaamacadaha ku yaal Mareykanka, ayadoo ay booliiskuna tiro badan oo arday ah xabsiyada u taxaabeen ka dib ay gacanta iskula tageen kumanaan arday oo bannaan-baxyo waaweyn ka wada New York iyo California.

Magaalada New York ayaa lagu xiray 282 oo qof oo kamida ardayda Jaamacada Columbia qeybteeda New York,ayadoo booliisku ay fasaxeen ardaydii ku jirtay Jaamacadda Columbia Hamilton oo dhismeheeda ay dibad-baxayaashu u bixiyeen “Hoolka Mandela” oo ahaa madaxweynihii hore ee koofur Afrika, ayagoo astaan uga dhigaya sidii uu xorriyadda dalkiisa ugu halgami jiray, ugu dambayna ay ardaydu kacdoon bannaan-baxa ku taageereen.

Dhisme kale oo ay jaamacaddu leedahay ayay mudaaharaadayaashu ugu magac dareen “Hoolka Hind’s” oo lagu sharfayo Hind Rajab oo lix jir ah, taas oo ay ayada iyo qoyskeeda ciidamada Israa’iil ku dileen dagaalka Qasa.

Saxafi wax ka barta jaamacada Columbia Meghnad Bose ayaa u sheegay tv-ga Al Jazeera inuu ku sugnaa gudaha jaamacada markii uu arkayay booliska oo qabtay mudaaharaadayaal Falastiiniyiin ah oo si toos ah u saftay albaabada Jaamacadda ay uga hortagaan in ay maamuluhu soo gasho.

Dibad-baxan oo looga dhiidhinayo xasuuqa dadka reer Falastiin ayaa la filayaa inuu ku sii fidi doono gobollo cusub oo dalka maraykanka kamida, ayadoo ay sii kordhayaan dadka dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Qasa.