U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Kulan Baydhabo Kula Qaatay Ergay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka koofur galbeed iyo Ergeyga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing ayaa ka wada-hadlay qabsoomida shirka madasha wadatashiga Qaran , dhamaystirka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee dalka, iyo la dagaallanka kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha koofur galbeed Mudane Cabdicasiis laftagareen oo gabangabadii kulanka saxaafadda la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay wixii ay labada dhinac ka wada hadleen, iyo ahmiyadda guuud eee shirka.

” waa markii labaad oo ay noo timaado Catriona Laing, waxaana ka wada hadalnay arrimaha gargaarka bini’aadantinimada, nabad-galyada, iyo hormarinta mashaariicda, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay la dagaallanka Alshabaab sidii loo xoojin lahaa, waxaana ka sheekaysanay hormarada socda ee dowladda Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan koofur galbeed” ayuu yiri madaxweyne laftagareen.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli Catriona Laing la filayo inay horraanta bishan may shaqada ka tagto,sida lagu sheegay war ka soo baxay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.