U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Al-shabaab Kaga  Saaray Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo dib uga bilaabay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanno hoostaga degmada Mahadaay, ciidanka ayaa ku guuleystay in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanno dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ee gobolkaasi.

Deegaanada howlgalka looga saaray kooxda Al-shabaab waxaa ka mid ah Obaale, Damasha shabelow, Calaag iyo Mansuur oo ah dhamaantood deegaano jiinka wabiga Shabeelle ka saaran dhanka Bari oo isugu jira dhul beeraley iyo howd ah, ciidanka ayaa wada howl lagu xaqiijinayo amniga deegaannada.

Taliyaha Ururka 281-aad guutada 28-aad ee Abuu cubeyda ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Duraan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in kooxdii ku sugneyd deegaanadaas laga saaray, islamarkaana ay wabiga uga talaabeen dhanka Galbeed, ciidanka ayaa hadda wada howlgallo looga saarayo jiinka wabiga.

“Ciidamada Qaranka iyo kuwa dadka deegaanka waxaa u suurta gashay in kooxda howlgal uga saaraan dhul howd ah oo ay ku dhuumaleysan jireen, hada waxaa firxadkooda ku daba maqan ciidamada is kaashanaya dhamaan deegaanadii laga saarayna waxaa ku sugan ciidamada” ayuu yiri Taliye Duraan.

Marka laga sootago howlgallada ka socda Shabeellaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada Galbeedka gobolka Hiiraan, sida dhowaan uu goob fagaaro ka sheegay taliyaha Nisa Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Sikastaba ha ahaatee howlgalladaan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii dambe taliyaha ciidanka uu safarro ku kala bixiyay furimaha dagaalka, isagoo sheegay in dhowaan la bilaabayo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo laga fulinayo deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle oo daris ah maamul ahaan.