U bood dhigaalka

Maxaad Kala Socotaa Qodobada Looga Hadlaayo Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Maanta Ka Furmaya Magaalada Banjul ?

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Hissein Brahim iyo Madaxweynaha Gambia Adama Barrow ayaa si wadajir ah u faahfaahiyay qodobada sanadkaan looga hadlaayo shirka ururka OIC.

Madaxweyne Barrow ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go,an tahay in ay qaaddaan masuuliyadda shirka ayna soo dhaweynayaan madaxda ururka ee shirka kusoo wajahan.

Shir madaxeedkan oo halku dhigiisu ahaa sanadkaan “Kobcinta Midnimada iyo Wadajirka iyada oo loo marayo wada-hadal loogu talagalay horumar waara,” ayaa looga hadli doonaa arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee khuseeya Dawladaha xubnaha ka ah OIC.

Intii uu socdo kulanka, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Taha ayaa ku ammaanay Gambia diyaargarowga muuqda ee ay u sameysay iyo tas-hiilaadka ay u leedahay martigelinta shir madaxeedka, iyadoo muujisay sida ay uga go’an tahay OIC inay xaqiijinayso guulaheeda.

Waxa uu sidoo kale ku ammaanay Madaxweyne Barrow sida firfircoon ee Gambia ay uga qayb qaadanayso guulaha Ururka.

Iyadoo Gambia ay la wareegayso shir-guddoonka shir madaxeedka 15-aad ee Islaamka, Madaxweyne Barrow wuxuu ku celiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta ajendaha OIC iyo kobcinta midnimada dalalka xubnaha ka ah.

Waxa uu xaqiijiyay in Gambia ay ka go’an tahay mabaadi’da iyo ujeedooyinka OIC, isaga oo xoogga saaraya iskaashiga ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah si wax looga qabto caqabadaha la wadaago.

Shirkaan ayaa sanadkaan waxaa hareeyay xiisadda Qaza, dalalka Islaamka ayaa lagu dhaliilay in doorkooda uu hooseeyo, iyadoo qaar ka mid ah dalalka ka qeyb galaya ay soo saareen qaraar ku aadan joojinta dagaalka Qaza.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistaan Isxaaq Daar oo khudbad ka jeediyay shirka diyaarinta ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Kalfadhiga 15-aad ee Shir Madaxeedka dalalka Islaamka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka aan loo meel dayin, isla markaana dib loo soo celiyo dadkii barakacay.

Dar, ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday doorka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan dhaqangelinta qaraarka tirsigiisu yahay 2728 ee ku aaddan joojinta colaadda, isaga oo Israa’iil ka codsaday in ay joojiso dhammaan deegaamaynta ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, ayna ka tanaasusho dhammaanba.