U bood dhigaalka

Kalluumeysata Xeebta Liido oo Hirgelinaya Goob Cusub oo ay Ku Iibiyaan Kallaanka

Sheeko:Ganacsiga

Ururka Kaluumaysatada xeebta liido ee degmada Cabdicasiis ee la yiraahdo kulmis ayaa si weyn u soo dhoweeyay goob cusub oo loo diyaarinayo si ay ugu ganacsadaan, islamarkaana kawaan cusub uga dhigtaan.


Kaluumeysatadan ayuu dhowaan maamulka gobolka benaadir ka codsaday inay banneeyaan goobtii ay ku shaqaysan jireen oo kawaanka u ahayd, islamarkaana ay dowladda hoose dhul cusub siin doonto si ay ugu ganacsadaan.

Qaar kamida xubnaha ururka ganacsatada kulmis oo shir saxaafadeed qabtay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dhulka cusub oo la siiyay, ayagoo xusay in uu yahay mid meeshii hore oo ay ku ganacsan jireen aad uga wanaagsan.


Guddoomiyaha kalluumeysatadan kamaal maki Aweys oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda hoose ee gobolka benaadir uga mahadceliyay goobtan cusub oo uu guddoonsiiyay, islamarkaana si deg deg ah loogu dhisi doono.

Kalluunka ayaa kamida waxyaabaha quutul daruuriga u ah qaar kamida dadka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa caasimadda ku nool, kawaanka xeebta liidona wuxuu kamid yahay goobaha ugu waaweyn ee lagu iibiyo hilibka malayga
goobjoog