U bood dhigaalka

Maxkamada Racfaanka oo Maanta Markale u Fadhiisan Doonta Kiiska Eedeysane Sayid Cali

Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u fadhiisan doontaa Kiiska loo heysto Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisii AUN Luul Cabdicasiis.

Ninkaan oo horay Maxkamadda gobolka Benaadir dil toogasho ah ugu soo xukuntay ayaa racfaan ka qaatay xukunka ahaa dil toogasho ah.

Fadhiga Maxkamadda ayaa lagu waddaa in mar kale maanta lagu soo bandhigo cadeymo ku saabsan Kiiska loo heysto Sayid Cali.

Kiiskaan ayaa noqday mid si weyn loo hadal haayay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa uu ka mid noqday kiisaska ugu caansan ee ay wajahday Maxkamada gobolka Benaadir.

Ehelada Gabadha la gubay ayaa diiday in ay qaataan diyo, taas badalkeeda waxa ay go’aan ku gaareen in xukunka Maxkamadda sidiisa loo fuliyo.

Xeerilaalinta ayaa wali ku adkeysanaya in cadeymaha ay keeneen ay yihiin kuwo saxan loona baahan yahay in maxkamada ay ku raacdo kiiska Maxkamaddii hore.