U bood dhigaalka

NISA oo Sheegtay in ay Dishay Rag Dil Ka Geysan Rabay Muqdisho iyo Kuwa La Qabtay

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo labo xubnood oo ka tirsan Shabaab ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa helay xogta labada nin, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii.

Ciidanka ayaa toogtay ayaa mid kamid ah labada nin, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka ninka la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Ciidanka ayaa sidoo kale bilaabay howlgallo ay xaqiijinaayeen Ammaanka degmada Dharkenley ee raggaan laga soo qabtay.