U bood dhigaalka

Muxuu Ku Saabsan Yahay Heshiiska Waxbarasho ee ay kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya ?

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidah iyo Tacliinta sare ayaa heshiis is afgarad oo iskaashiga waxbarashada ah la saxiixday Wasiirka Waxbarashada ee Kenya, heshiiskaan ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhiya labada dhinac isagoo meelo badan taabanaya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, aqoonsiga shahaadooyinka, Tababarka iyo Cilmi-baarista,

heshiiskaan ayaa ah mid kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal, xilli wadanka Kenya uu kamid yahay dalalka arday ugu badan ee Soomaaliyeed ay waxbarasho u joogaan marka laga tago Uganda iyo Ethopia.

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi dhinacyada badan leh.