U bood dhigaalka

Shan Milyan oo Loogu Deeqay Adeegyada Nafaqeynta Soomaaliya

Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa ku dhawaaqay in heshiiskaan uu dhigaayo sidii loo taageeri lahaa carruurta ay nafaqo darada heysato ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa soo barakacay.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta dhexe ee KSrelief ee magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa ku kacaya 5-milyan oo dollar.

Waxaa looga gol leeyahay in lagu bixiyo adeegyada nafaqeynta, biyaha, iyo nadaafadda 15 goobood oo halista ugu badan ay ka jirto, waxaana ka faa’ideysanaya 101,000 oo caruur Soomaaliyeed ah.

KSrelief iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Ingiriiska (FCDO) waxay ku tabaruci doonaan $2.5 milyan midkiiba.

Labada dowladood ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Soomaaliya looga gudbi karo iskaashi dhexmara dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo hay,addaha caalamiga ah.