U bood dhigaalka

Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo ay Wehlinyaan Mas’uuliyiin Ka Tirsan Akadeemiyada Cilmiga iyo Suudaanta Kulan La Qaaday Mas’uuliyiin Ka Socotay Sucuudiga

Sheeko:Waxbarashada

Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu weheliyo guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Mas’uuliyiin kale ee uu ka mid yahay Agaasimaha Tacliinta Sare ee wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare, Agaasimaha Matxafka Qaranka iyo Agaasimaha Maktabadda ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Matxafka qaranka dalka Sacuudi carabiya.

Mas’uuliyiintaan ayaa warbixin ka dhageystay madaxda xarunta Matxafka Qaranka dalka Sacuudi Carabiya oo ah Gabdho qoonyahanno ah waxaana hoggaamineesa Marwo Rola Abdullahi Al Gariiri iyadoona ka warbixisay shaqooyinka ay qabtaan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in xaruntooda ay ku soo dhaweeyaan Mas’uuliyiin ka socotay Dawladda Soomaaliya.

Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa guddoonsiiyay Marwo Rola Abdullahi Algariir mid ka mid ah alaabaha Hiddaha iyo Dhaqanka oo Soomaaliya ay caan ku tahay.

Agaasimaha Matxafka qaranka Mudane Cismaan Geedoow ayaa sheegay in xilligan ay u baahan yihiin in Dawladda Sacuudi Carabiya ay kaalin muuqato ka qaadato sidii Matxafka Qaranka uu u noqon lahaa Matxaf ay ku soo hirtaan bulshooyinka ku nool Dunida Caalamka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isla lafa guray sidii labada dhinac ay uga wada shaqeyn lahaayeen in labada Matxaf ay noqdaan kuwa si dhow isula shaqeeya.