U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Kormeeray Iskuul Dhowaan Laga Hirgeliayay Cabudwaaq

Sheeko:Waxbarashada

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan ku sugnaa Degmada Cabudwaaq ayaa kormeeray Iskuulka Shire Jaamac oo dhawaan ay hirgalisay wasaraadda Waxbarashada Dowladda Galmudug.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa booqday isbitaalka guud ee Degmada Cabudwaaq oo dacaytir iyo qalabeyn lagu sameeyay.

Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda iyo Maamulka Degmada ayaa sidoo kale dhagax dhigay Suuq cusub oo noqon doona Suuqa Xoolaha oo si casri ah ay dhisi doonto Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday Saldhigga Booliska Degmada Cabudwaaq, halkaas oo dib u dhis iyo dacaytir lagu sameyn doono.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa ugu dambeyn dhagax dhigay garoonka kubbadda cagta ee Degmada Cabudwaaq kaasoo lagu sameyn doono dacaytir iyo casriyeyn qaybaha kala duwan ee garoonka.