U bood dhigaalka

Howlgal Lagu Fashiliyay Weerar ay Shabaab ay Damacsanaayeen oo Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Ururka 53-aad ee guutada 14-ka October ka fuliyeen tuulooyin dhinaca xeebta gobolka Shabeeladda hoose ayay ku fashiliyeen qaraxyo ay Alshabaab diyaarinayeen.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inay Alshabaab doonayeen inay ku weeraraan Xerooyinka Xoogga dalka ee ku yaalla duleedyada Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa xaqiijiyay in qeyb kamid ah qaraxyadan uu isla Shabaabkii farsameynayay ku qarxay, goobtaasna ay ku arkeen Raadad dhimasho iyo kuwa dhaawac ah oo soo gaaray xubnihii diyaarinta qaraxyadaa ku howlanaa.

Howl-galada ay ciidanka dowladdu ka wadaan gobolada dalka ayaa la rumaysanyahay inay sabab u yihiin yaraanta qaraxyadii ka dhici jiray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay dadka caasimadda ku nooli waayadan ka nasteen.