U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dib Kaga Laabatay Go’aanka Xiritaanka Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay dalab ay 5-tii bishan u gudbisay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa xiridda xaafiiska kaalmaynta ee UNSOM ee Soomaaliya, kaas oo muddo dheer kasoo shaqeynayay Soomaaliya.

Warqad ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri” anagoo ka duulayna Warqaddii aan 5-tii may idiin soo dirnay oo ku saabsanayd xaafiiska kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM , dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dhammaan dhinacyada caalamiga ah kala shaqayso diyaarinta hannaan kala guur ah oo waqti go’an leh”.

Sidoo kale waxaa warqadda lagu yiri”ugu horrayn waxaan mahad ballaaran u jeedinaynaa Qaramada Midoobay kaalintii ay ku lahayd xasilinta siyaasadda dalka 30-kii sanoo la soo dhaafay, Qaramada Midoobay waxay kaalin ka qaadatay hormarinta nabadda Soomaaliya, dastuurka, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo arrimaha bini’aadantinimada.

September 2022 dib u eegistii xaafiiska UNSOM iyo wada hadaladii madaxweyna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya DR. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Guterres 29-kii Abriil 2024 dowladda Soomaaliya waxay codsatay in la billaabo qorshe caddaynaya ka guuuridda siyaasadda gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya”.

Qoraalka ay wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo saartay waxaa lagu soo gaba-gebeeyey” ujeedada dowladda Soomaaliya waa inay xaqiijiso qorshaha ka guuridda siyaasadda gaarka ah ee howl-galka Qaramada Midoobay uu si habsami ah u socdo, asagoo heer kala duwan maraya, dowladda Soomaaliyana waxay codsanaysaa in la billaabo qorshaha ugu habboon oo kala guur ah”.

War ayaa ku soo beegmaya xilli ay 5-tii bishan may dowladda Soomaaliya golaha ammaanka ka dalbatay in la xiro xaafiiska UNSOM ee Soomaaliya, lamana oga sababta keentay inay dowladdu ka noqato go’aankeedii hore.