U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sharaxay Sababta Dowladda Soomaaliya u Xireyso Xafiiska UNSOM

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee warqadaha kasoo baxay dowladda ee ku socda Xafiiska UNSOM uu ahaa in dowladda Soomaaliya howlaheeda u madax-banaanaato.

Wasiirka oo wareysi siiyay TV-ga dowladda ayaa ka hadlay warqad codsi ah oo ay dhowaan Wasaaradda arrimaha Dibaddu u dirtay golaha ammaanka oo ay uga dalbatay in la xiro xaafiiska kaalmaynta Qaramada Midoobay ee UNSOM, asagoo Xusay in xaafiiskaas oo howlo badan dalka ka qaban jiray balse hadda ay dowladda Soomaaliya isku filantahay oo ay arrimeheeda maamulan karto.

Sidoo kale wuxuu tibaaxay in 2022-kii la sameeyay guddi dowladda iyo Qaramada Midoobay ka kala socda oo ka shaqeeya sidii xaafiiskan howshii la soo gabagabeyn lahaa, haddana ay doonayaan in guddigaasi ay si toos ah u fuliyaan arrintii loo xilsaaray.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli au dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan golaha ammaanka u dirtay warqad ay kaga dalbanayso in la xiro xaafiiska kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, inkastoo bayaan kale oo ka duwan ka dambeysiisay.