U bood dhigaalka

Qarammada Midoobay oo Sheegtay in ay Israa’iil Ku Amartay inay Ka Qaxaan 100,000 oo Qof Waqooyiga Gaza

Qarammada Midoobay ayaa sheegtay inay Israa’iil ku amartay inay ka qaxaan 100,000 oo qof waqooyiga Gaza, tan iyo markii Israel ay weerar ku qaaday marinka Rafax, bilowga Todobaadkii hore oo khasaare dhaliyay.


Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay, ayaa u sheegay warfidiyeenka in amarrada daadgureynta ee ay Israa’iil soo saartay waqooyiga Qaza “ay sababeen barakaca ilaa 100,000 oo qof ilaa hadda”.


Xaq waxa uu sheegay in kuwa ka soo qaxay woqooyiga ay dheer yihiin ku dhawaad 360,000 oo qof oo ka tagay magaalada koonfureed ee Rafah.


“Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay ilaalin la’aanta rayidka – iyo badbaado la’aanta hawlaha bani’aadamnimada,” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay.


Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, wuxuu carrabka ku adkeeyay, dadka rayidka ah waa in la ilaaliyaa oo la daboolaa baahiyahooda aasaasiga ah, hadday guurayaan iyo hadday joogaan.


Warbixin ka timid hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada OCHA, ayaa sheegtay in 20 boqolkiiba dadka Gaza ee in ka badan 2 milyan oo qof ay mar kale barakaceen usbuucii la soo dhaafay sababo la xiriira xoojinta hawlgallada milatari ee Israel.