U bood dhigaalka

Maxkamadda Racfaanka oo Ku Dhawaaqay Xukunka Sayid Cali Macalin

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiiska eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay Sayid Cali Xukun dil ah ka dib markii ay ku heshay gubida xaaskiisii Luul Cabdicasiis.

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Benaadir ayaa ku dhawaaqay xukunka. waxaa uu sheegay in uu ku raacay xukunkii hore ee Maxkamadda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka ay ka furan tahay cabasho oo kaliyah hadda ka dib.

Afar fadhi ayay ka yeelatay Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir kiiska ninkaan, kuwaas oo lagu dhageystay qareenada difaacayay, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud iyo marqaatiyaal Maxkamadda ay dalbatay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud, racfaan ayuu ka qaatay xukunkaas.