U bood dhigaalka

Maxkamadda Racfaanka oo Maanta Ku Dhawaaqaysa Xukunka Eedeysane Sayid Cali Macalin

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saareysaa kiiska eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku eedeeyay in uu gubay Xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay maalmo kadib dhaawacii kasoo gaaray.

Qareenada u doodaya Sayid Cali ayaa ku doodaya in kiiska uusan u dhicin si kas ah, islamarkaana uu ku jiro Madmadow.

Afar fadhi ayay ka yeelatay Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir kiiska ninkaan, kuwaas oo lagu dhageystay qareenada difaacayay, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud iyo marqaatiyaal Maxkamadda ay dalbatay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud, racfaan ayuu ka qaatay xukunkaas, waxaana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir.