U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Wakiil Cusub u Soo Dirtay Soomaaliya, Kadib Shaqojoojintii Catriona Laing

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa u magcaabay James Swan inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,

Ninkaan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sidoo kale noqon doonnaa
Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Waxaa uu hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022,.

Sidoo kale wuxuu soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika,

James Swan ayaa si kumeel-gaar ah xilkan u sii haynaya, kaddib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.