U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Ciidanka Soomaaliya iyo ATMIS oo Loo Tababaray Ka Hortagida Waxyaabaha Qarxa

Siddeetan sarkaal oo ka kala socday ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa loo soo xiray tababar socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsan ka hortagga walxaha qarxa oo ay adeegsadaan kooxaha sida sharci darrada ah u hubeysan oo ay ku jiraan Al Shabaab.

Tababarkan oo ay fududeeyeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino baarista (UNMAS) iyo Kooxda Taageerada Hawlgalka ee Boqortooyada Ingiriiska (UK-MST) ayaa ujeedadeedu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta hawleed ee SSF ee wax ka qabashada khatarta qaraxyada.

“Tababarkan waxa uu laf-dhabar u noqon doonaa xaqiijinta waajibaadka ATMIS-ka si hoos loogu dhigo Al-Shabaab si loo taageero hannaanka nabadda iyo amniga ee ay Soomaalidu hormuudka ka tahay,” ayuu yiri Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS, Brig. Gen. Kindu Gezu.

Brig. Gen. Gezu waxa uu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la sii wado feejignaanta si looga hortago khataraha ka iman kara qaraxyada, kuwaas oo ah hubka ugu horreeya ee ay Al-Shabaab u deegsato dagaalka ay ku jirto.

Madaxa Hay’adda UNMAS, Justin Smith, ayaa tilmaamay in guulo laga gaaray wada shaqeyntii u dhaxeysay ATMIS, SSF iyo UNMAS, taasi oo sahashay in ciidamadu ay ogaadaan oo ay ka takhalusaan tiro badan oo walxaha qarxa ah oo ay Al-Shabaab ku aaseen qeybo kala duwan oo dalka ah.

Waxa uu sheegay ilaa 2017, kooxaha ATMIS Counter-IED ay ku guulaysteen in ay ogaadaan oo ay si guul leh u qarxiyaan 439 qalab, iyaga oo ka hortagay in lagu qiyaasay 1,756 khasaare ah.

“Sanadka 2023-ka oo kaliya, kooxaha ATMIS-ka Baarista iyo Ka-hortagga Walxaha Qarxa (EOD) waxay heleen oo nadiifiyeen 74 boqolkiiba aaladaha lagu qiimeeyay inay bartilmaameedsanayaan ciidamada ATMIS-KA,” ayuu yiri Madaxa UNMAS ee Soomaaliya.