U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Kormeeray Jaamacadda Umadda Faraceeda Galmudug

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kormeer ku tagey Jaamacadda Ummadda faraceeda degmada Caabudwaaq iyo xarunta Agoonta Taakulo, isaga oo sidoo kale la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee degmadaas.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo ardayda Jaamacadda Ummadda, dadaallkooda ku qotoma aqoonta iyo waxbaridda bulshada deegaanka, si jahliga looga baxo, Wasiirka Amniga, ayaa sheegay in aqoontu ay aasaas u tahay nabadda iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay aqoonyahanka in ay xoojiyaan kaalintooda muhiimka ah, si ay horseed ugu noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo kormeer ku tagey xarunta Agoonta degmada Caabudwaaq, ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay maamulka xarunta gacanta ku haya, isaga oo ku ammaanay sida ay mudnaanta u siinayaan aqoonta iyo waxbaridda ubadka, taas oo sii xoojinaysa nabadda iyo horumarka deegaanka.

Dhanka kale, Wasiir Fartaag ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmada, waxana uu kala hadlay doorkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida degmada Caabudwaaq, waxuuna oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan kaalintooda nabadeynta.