U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Soo Xiray Barnaamijka Tartanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

Sheeko:Waxbarashada

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa soo xiray Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee sanadka 2024 oo magaalada Garoowe lagu soo geba-geboobay.

Tartanka oo u dhexeeyey Dugsiyada Sare ee Boosaaso Public iyo Maxamed Cawaale Liibaan oo labaduba ku yaala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxa ku guulestay Dugsiga Sare ee Maxamed Cawaale Liibaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u hambalyeeyey Dugsiga Sare ee Maxamed Cawaale Liibaan , isaga oo sidoo kale bogaadiyey Dugsiga Sare ee Boosaaso Public oo galay kaalinta 2-aad iyo dhammaan Dugsiyadii kale ee ka qayb qaatay Tartanka inta uu socday oo tiradoodu dhamayd 32 Dugsi Sare.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada, Idaacada Daljir, Guddiga Tartanka iyo dhammaan xarumaha iyo Dugsiyada Sare ee ka qayb qaatay qabsoomida tartanka.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada Fu’aad Abshir Axmed, Wasiirka Warfaaafinta Maxamuud Caydiid Dirir, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, xarumaha Barnaamijka taageerayey, Wakiilo ka kala socday Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare iyo masuuliyiin kale.