U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Maanta Imtixaanka Shaadiga ee Deegaannadaas

Sheeko:Waxbarashada

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo caasimadda Garoowe ka daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixinayso horumarinta iyo tayeynta waxbarashada.

Madaxweynaha oo uu furitaanka Imtixaanka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad gobolleedka Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay sannadka mudnaan gaar ah siinayso ardayda kaalimaha hore ka gala imtixaanka, iyadoo abaal-marinni iyo dhiirri-gelin loo sameynayo.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta Sare Mudane Fu’aad Abshir Axmed ayaa sheegay in ardayda Puntland ay ku timaaman yihiin anshax wanaag iyo ilaalinta habsami u socodka imtixaannada, isagoo bogaadiyey Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, ciidamada ammaanka, kormeerayaasha iyo macallimiinta u taagan in ardaydu ay imtixaanka ku galaan jawi xasilloon.

Munaasabadda Daah-furka Imtixaanka waxaa Madaxweynaha kala qeyb-galay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, Agaasimaha Imtixaanaadka Puntland Mudane Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane) iyo Bahda Waxbarashada heer gobol iyo heer degmo.