U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u Fariisatay Dhageysiga Dacwad La Xiriirta Anshax Darro

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u farriisatay dhagaysiga gal dacwadeed la xariira dhaqan xumada baraha bulshada lagu baahiyo oo loo haysto wiil dhallinyaro ah.

Maxkamadda ayaa horgeeyay Hanad Cabdiraxmaan maxamed, kaas oo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranku ku soo oogay dacwado la xariira faafinta Muqaalo iyo sawirro anshax-xumo ah oo ka baxsan dhaqanka iyo diinta suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay Muqaalo iyo sawirro uu baraha bulashada ku baahiyay eedeeysanuhu,kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay kasoo horjeedaan anshaxa wanaagsan ee bulshada.

qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa dhankiisa sheegay in Hanad Cabdirahaan uu beri ka yahay waxyaabaha lagu soo eedeeyay, asagoo xusay in muqaalada iyo sawirada ay Xeer-ilaalinta caddaymo ahaan u isticmaashay ay yihiin muuqaalo qof kale oo Hanad u eg leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee dhallinyaro badan oo ku eedeysan falal anshax-xumo ah ayaa xabsiyada ku jira, booliiska Soomaaliya waxay sheegeen in cid kasta oo baraha bulshada ku faafisa Muuqaallo dhaqan xumo ah ay gacanta ku soo dhigi doonaan.