U bood dhigaalka

Maxaa Laga Fasiran Karaa Hadalkii Latariyaha Amniga Qaranka ee Bixitaanka Ciidanka Itoobiya?

Lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Macallin oo dhowaan marti ku ahaa dood-wadaag ay warbaahinta goobjoog qabatay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in gabi ahaan Ciidanka Itoobiya ay dalka ka baxaan bisha September ee sanadkan.

“Ciidanka Itoobiya ma sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya dalka Soomaaliya, dowladduna go’aan culus ayay ka gaartay ” ayuu Xuseen Macallin asagoo ka warcelinaya weydiimo arrintan la xariiray oo la hor dhigay.

Go’aanka dawladda Soomaaliya ayaa salka ku haya muranka labada dal u dhexeeya ee ka dhashay damacii ay Itoobiya ku doonaysay inay qaadato qeyb kamida badda Soomaaliya, ka dib markii ay heshiis aan hirgelintiisa lagu guuleysan la gashay Soomaaliland.

Tan iyo bishii January markii uu maamulka Abii Axmed is afgarad uu bad ku doonayo la galay Muuse Biixi waxay dowladda Soomaaliya wadday dadaal aan loo kala harin oo arrintaa meel ka dhaca ku ah qaranimada dalka looga hortagayo, waxayna ku guulaysatay in damacaasi uu dhicisoobo ka dib markii dalalka dunida oo dhami ay ka soo horjeesteen, Itoobiyana ay gashay go’doon diblumaasiyadeed.

Haddaba ayadoo ay jirto in Soomaaliya ay si buuxda baddeeda u difaacatay, is afgaradkii Muuse Biixi iyo Abii Axmedna uu Mira-dhal noqan waayay ayaa haddana waxaa taagnayd dood ku saabsan joogitaanka Ciidanka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, dad badan ayaana shaki galinayay sida dowladda ay militarigeedu qeybo badan oo dhulkaaga kamida maamulaan, qeybo kale looga difaaci karo.

Sidoo xeeldheereyaal badan ayaa qabay in ciidankaasi ay kamid yihiin caqabaha guud ee haysta dib u dhiska dowladnimada iyo midnimada dalka, balse haddii uu qorshahani guulaysto intaas iyo hagardaamooyin kaloo Itoobiya wadayba xal baa loo helayaa sida ay khubaradu sheegayaan.

Ciidanka Itoobiya oo isugu jira kuwa howl-galka ATMIS ka tirsan iyo kuwo ka madax-bannaan ayaa hadda ku sugan deegaanno kamida Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland, ayagoo halkaas ka geystay dhibaatooyin bulshadu ka sheegatay iyo xadgudubyo ka dhan ah madax-bannaanida dalka.