U bood dhigaalka

Booliska Hirshabeelle Loo Tababaray Carqaladeynta Maalgelinta Argagixisada

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa tababar siiyay saraakiisha Booliska ee dambi baarista ee dowlad goboleedka Hirshabeelle si ay uga caawiyaan ogaanshaha iyo la dagaallanka dambiyada maaliyadeed iyo carqaladeynta maalgelinta argagixisada.

Saraakiishu waxay sare u qaadeen xirfadahooda xagga sirdoonka maaliyadda, ogaanshaha lacagaha la dhaqay, baarista musuqmaasuqa , wax isdaba marinta, iyo fahamka hababka baarista.

“ATMIS waxa ay aqoonsan tahay baahida loo qabo in la dhiso awoodda dhiggeena Soomaaliyeed oo aan siinno aqoon ku wajahan isbeddelka sii kordhaya ee dambiyada maaliyadeed iyo maalgelinta argagixisada ee Afrika iyo caalamkaba,” ayuu yiri Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska ATMIS Ernest Agbo.

Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar. Waxa uu intaa ku daray “Waan ku faraxsanahay natiijada ka soo baxday tababarka. Tani waxay soo shaacbaxday intii lagu guda jiray kulamadii su’aalaha iyo jawaabaha, oo ay saraakiishu soo bandhigeen waxqabad heersare ah. Waxaan ku kalsoonahay inay hadda si fiican u qalabaysan yihiin inay ogaadaan oo joojiyaan ganacsiyada maaliyadeed ee sharci darrada ah iyo inay ku guuleystaan ​​dagaalka ka dhanka ah argagixisada”.