U bood dhigaalka

Dhaawacyo Ka Dhashay Shaqaaqo Ka Dhacday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaya in illaa qof oo midi uu shacab yahay ay ku dhaawacmeen iska hor imaad dhex maray ciidanka Booliska iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee PSF.

Shaqaaqadan oo ka dhacday saldhigga bartamaha ee magaalada ayaa salka ku haysa rag ka tirsan PSF oo ay boolisku xireen, sida laga soo xigtay ilaha xog ogaal ah oo ku sugan gobolka Bari.

magaalada Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka dhacayay falal nabad-galyada lid ku ah, ayadoo ay kooxo sida ciyaal weerada u abaabulani xilliyada habeenka xaafadaha qaarkood dhibaato ka gaystaan, balse isku dhaca laamaha ammaanka dhexdooda ah ayaan ku badnayn.

https://fb.watch/sw4ixzLJEz