U bood dhigaalka

Arday Galeysa Imtixaanka Shahaadiga ee Dowladda oo Laga Soo Sagootiyay Balad Xaawo

Sheeko:Waxbarashada

Gudoomiyaha degmada Baladxaawo mudane Cabdicasis oo uu wehlinayo madaxa arimaha bulshada maamulka degmada mudane Nuur Cadawe Baadow ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu dhiirigelinayay in ka badan 423 arday oo galaya imitixaanka shaahdiga fasalka 8-aad ee ay qaadayso wasaasadda waxbarashada dowlad gobolleedka Jubbaland.

Ardaydan oo ka kala timid 19 Dugsi oo ku yaala degmada Baladxaawo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa uu gudoomiyaha kula dardaarmay in ay ilaaliyaan qaanuunka imitixaanka wuxuuna ku dhiiragaliyay in ay kaalmo muuqda ka galaan imitixaankan.

Gudoomiyaha ayaaa dhanka kale Alle uga baryay in uu u fududeeyo imitixaanka isagoo dhanka kale u balan qaaday in ka maamul ahaan ay si buuxda u garab taaganyihin.