U bood dhigaalka

Kooxda Xuutiyiinta oo Weerar Gantaalo ah Markab Xamuul ah oo Ku Gooshayay Badda Cas

Shirkadda ammaanka badda Britain ee Ambrey ayaa sheegtay in markab xamuul oo watay calanka Antigu iyo Barbuda uu gantaal ku haleelay meel 83 meyl u jirta magaalada cadan ee dalka Yemen, kana xegta dhanka koonfur bari.

Shirkadda ayaa intaas ku dartay in gantaalkaasi uu sababay inuu dab ka kacay markabka dushiisa, balse lagu guuleystay in la damiyo, islamarkaana aanu khasaaregeysan.

Markabku wuxuu u socday koonfur-galbeed ee Gacanka Cadmeed markii dhanka hore looga dhuftay gantaal, sida ay sheegtay shirkadda Ambrey ee arrimaha badda u qaabilsan dowladda Ingiriiska.

Shirkadda ayaa sidoo kale tibaaxday in gantaal labaad lagu soo diray , balse uusan dhicin markabka,intaa ka dibna dad saarnaa doomo yar yar oo aaggaas ku sugnaa ay rasaas ku fureen markabka intii lagu jiray daminta dabkii gantaalku sababay.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa weerarro badan ka fuliyay badda cas tan iyo markii uu billowday dagaalka marinka Qasa, ayadoo wacadku ku maray inay maraakiibta Israa’iil iyo reer galbeed beegsan doonaan.