U bood dhigaalka

Imtixaanka Shaadiga Fasalka 8-aad oo Maanta Muqdisho Sirasmi ah Uga Furmay

Sheeko:Waxbarashada

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad, ayadoo ay u fariisteen 35, 307 arday oo ka kala socda 656 dugsi oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad, asagoo arday ku dhiirigaliyay inay si wanaagsan u dadaalaan.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 Gabdhood oo dhigta iskuullada Gobolka Banaadir, waana sannadkii 5-aad oo la qaadayo imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad.

Sidoo kale imtixaankan ayaa socda dowlad gobolleedyada Jubbaland, Galmudug, iyo Hirshabeelle oo ay maalintii 3-aad u tahay, waxayna wadarta guud ee ardayda imtixaanka galaysa sanadkani gaaraysaa 51,607 arday markii laga reebo deegaanada Puntland iyo Soomaaliland.